Waqooyiga Yuulland
Maria Rønberg
Goobaha ama shabakadda iskaa-wax-uqabsada ee Hay’adda Caawinta Qaxootiga DRC waxaad ka heli kartaa hadada tahay Qaxooti ama qof kasoo jeeda dadka lagaga tiro badan yahay wadankan caawin.
Dhammaan kaalmooyinkaas waxaa sameeya shabakad ama dad iskaa-wax-u-qabso ah sidaa awgeed ayay kala duwan yihiin caawinta iyo kaalmooyinka aad ka helikartid goobaha ama shabakadaha kala duwan ee aanu leenahay.
Waa maxay qofka Iskaa-wax-u-qabso
Waa qof si iskaa-wax-u-qabso ku shaqeeya oo doonaya inuu ka caawiyo adiga iyo qoyskaagaba noloshiina wadankan Danmark. Qofkaas iskaa-wax-u-qabsaha ku shaqeynaya kama socdo dawladaha hoose ama hay’adaha dawladda, mana qaato wax mushaar ah.
Qofka iskaa-wax-u-qabso ku shaqeeya waxuu caawin karaa adigoo wadanka Danmark ku cusub oo kol dhow yimid iyo haddii aad horey usii joogtay sanado badan labadaba. Qofka iskaa-wax-u-qabso ku shaqeeyaa waxaa saran korkiisa waajibka ilaalinta xogta ama ilaalinta sirta sidaa awgeed waxaad kawada hadli kartaan wixii qof ahaan gaar kuu ah.
Goobo ama shabakado iskaa-wax-u-qabso oo badan ayaan ku leenahay guud ahaan wadanka, kuwaas oo kaa caawin kara waxyaabo kala duwan.
Garaac telefoonka ama wac shaqaalahayga si aad u ogaato kaalmada ama caawinta degaan ahaan kuugu dhow ee aad helikartid.
caawintaasi waxay noqon kartaa in lagaa kaalmeeyo sidaad tababar ama layli ugu qaadan lahayd afka Daanishka ama casharada looga caawin lahaa adiga iyo caruurtaadaba. Waxaa kale oo aad ka helikartaa talo-siin iyo caawin qaabkii aad shaqo u raadsan lahayd, uqori lahayd CV-gaaga (Taxa sooyaalkaaga), u raadsan lahayd waxbarasho, u fahmi lahayd adeega e-boks, u heli lahayd MitID iyo weliba waxyaabo dheeraad ka sii ah.
Meelo badan waxaa kale oo aad ka helikartaa hawlo ay ku maararoobaan (baashaal) adiga iyo qoyskaaga sida maalin-joog meelo loogu baxo, cunto wada cunid ama cayaar. Waxaad kale oo aad mar walba cagta soo marin kartaa qofkaas ku shaqeynaya sida iskaa-wax-u-qabsaha oo aad danahaaga kala hadli kartaa.
Garaac telefoonka ama wac shaqaalahayaga si aad u heshid goobta deegaankaaga ugu dhow ee hawlaha noocaas ahi ka socdaan.
Waqooyiga Yuulland
Maria Rønberg
Bartamaha Yuulland
Cecilie Broundal
Koonfurta Danmark
Tatiana Rusuberg
Aagga caasimadda
Andreas Holmgaard-Jensen
Sjælland iyo Bornholm
Kristine Bjerre
Haddii aad wada-hadal la leedahay hay’adaha dawladda waxaad heli kartaa qof wehel ah (kula fadhiista) oo kuu raaca wada-hadalkaas. Wada-hadalkaasi tusaale ahaan waxuu noqon karaa mid aad la leedahay dawladda hoose, hay’adda xuquuqda qoyska, hay’adda ajaanibta ama hay’adaha caafimaadka.
Qofka wehelka kuu noqonaya waxaad la kulmaysaa wadahadalka ka hor dabadeed waxuu kuu raaci wada hadalkaas. Qofkaas wehelka ahi waxuu kaa caawin inaad fahamtid siday wax u jiraan, dhageysan waxa la isyidhi kolkaana kaa caawin sidaad su’aalo u weydiin lahayd hay’adda kula kulantay.
Wada-hadalka kadib waxuu qofkaas wehelka kuu ahaa kaa caawinayaa wixii aad ka yeelilahayd ama ka sameyn lahayd arrinkaas.
Adigoo garaaca telefoonka/waca ama fariin uqora Bisidderkorps.
Bisidderkorps
60268002
Talo-siinta bilaashka ah waxaad ka helikartaa talooyin ku saabsan sharciga dal-ku-jooga, qorshayaasha isdhexgalka, dhaqaalaha, dhibaatooyinka degaanka/guryahay iyo arrimaha qoyska.
Waxaa kale oo lagaa caawinayaa inaad fahamtid waraaqaha iyo go’aanada ay kaa gaadhaan hay’adaha dawladda, talo lagaa siiyo fursadaha kuu banaan ee aad kaga dacwoon kartid go’aanadaas iyo weliba in laguu qeexo qaabka mas’uuliyiinta dawladdu u galeen arrintaada.
Mar walba su’aal ayaad nasoo weydiin kartaa. Haddii aanan awoodin inaan kaaga jawaabno waxaan kuu raadinaynaa cid kale oo kusiin karta jawaab.
Frivilligrådgivningen
København
Frivilligrådgivningen
Aarhus
Frivilligrådgivningen
Odense
Frivilligrådgivningen
Ringsted
Frivilligrådgivningen
Haderslev
Frivilligrådgivningen
Aalborg
Frivilligrådgivningen
Holstebro
Sanduuqa hawlaha dugsiyada dabadood waxaad ka codsan kartaa 1.000Kr. sanadkii, si ilmahaaga u dhaxeeya 0-17jir u tagaan goobaha ururada kala duwan iyo hawlaha dugsiyada kadib la sameeyo lagu hayo. Waxay noqon karaan kubad-cagta, sahan-tagga ilmaha (meelha ilmaha loo qaado), farshaxanka sawirada, dabaasha ama muusikada.
Sanduuqan inaad dalab dhaqaale weydiisataa waxaa shardi u ah in adiga ama waalidka kale uu yahay arday ama shaqo la’aan sidaana aad ku qaadatid ama ku qaato lacagta ardaynimada ee SU, lacagat lasiiyo dadka dib loo celinayo, lacagta shaqo la’aanta, caydha ama lacagta hawl-gabka xilligiisii aan lagaadhin. Sanduuqani waxaa kale oo uu caawiyaa ilmaha iyagoon waalidiintooda la socon wadankan soo gala.
Haddii aad su’aal ka qabtid qaabka aad u dalbanaysid garaac telefoonkan/wac ama fariin uqor Fritidspuljen.
Fritidspuljen
Tirsdag og fredag kl. 9-16
Bogganaga Facebook waxaad ka helikartaa in casharada lagaa caawiyo adigoo gurigaaga jooga. Waxaa ilmahaaga dhigta dugsiyada hoose/dhexe laga caawin karaa casharada. Waxaa kale oo lagaa caawin karaa casharada haddii aad dhigatid dugsiyada sare, dugsiyada afka lagu barto ama aad dhigatidba waxbarashada sare sida jaamacadaha.
Xog dheeraad oo ku saabsan sidaad ku helikartid caawin fogaan-arag-maqal ah ka raadso halkan
Kolka hore xubin ka noqo kooxdanada Facebook-ga DRC Lektiehjælp online.
Markaad xubin ka noqotid waxaad soo gelinaysaa qoraal aad ku sheegaysid casharada aad doonaysid in lagaa caawiyo.
Wixii su’aal ah ee caawinta casharada sida fogaan-aragga-maqal ah ku saabsan waxaad kala xidhiidha mas’uulka mashruucaas ee Malika Arij Meliani.
Malika
Arij Meliani
Praktikant, Midtjylland
Fariin noo reeb anaga ayaa si degdeg ah kuula soo xidhiidhayna.